Wasiirka Wasaaradda Iyo Agaasimaha Guud Ayaa Kulan La Qaatay Madaxda Sare Ee Laanta Socdaalka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL uuna wehelinaayo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta kulan shaqo la qaatay madaxda laanta socdaalka qaranka uuna hogaaminayo taliyaha laanta socdaalka general maxamed Xuseen Faarax Xiirane.
Kulanka masuuliyiinta ayaa inta badan diirada lagu saaray arrimaha khuseeyo ajaanibka aan haysan ruqsada shaqo sharciguna mabnoocay inay wadanka ka shaqeeyaan, xakamaynta ajaanibka sharci darada dalka kuso gelaya iyo xoojinta xuquuqaadka shaqo ee muwaadiniinta jamhuriyadda Somaliland.
Kulankan shaqo ayaa kuso dhamaaday jawi wacan oo wada shaqayneed iyo dardar gelinta hawlaha shaqo ee qaranka.