Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin ayaa maanta shir gudoomiyay shirka usbuuc laha ah ee wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin ayaa maanta shir gudoomiyay shirka usbuuc laha ah ee wasaaradda.
Shirka oo inta badan diirada lagu saaray hawl qabadyada wasaaradda ee usbuuci lasoo dhaafay iyo qorshaha usbuuca soo socda.
Waxaana halka warbixin lagaga dhegaystay dhamaanba agaasimayaasha waaxaha wasaaradda.
Ugu danbayn waxaa soo gunaanaday wasiir ku xigeenka wasaaradda lana dardaarmay hawl wadeenada wasaaradda.