wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL oo kaashanaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay barnaamij lagu faafinayo ama lagu barayo bulshada mabaadi’ida Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah - 31/2020.

Barnaamijkan ayaa waxa uu hab maalinle ah uga bixi doonaa idaacada qaranka ee Radio Hargeysa. Barnaamijkan ujeedada u weyn ee ka dambaysa ayaa ah in bulshada si qotadheer loo baro xuquuqaha & waajibaadka uu xambaarsan yahay xeerku ee khuseeya xidhiidhka u dhaxeeya loo-shaqeeyaha & shaqaalaha Rayidka ah ama guud ahaan xaaladaha shaqo.

Agaasimaha Guud & Agaasimaha Waaxda Shaqada ee Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL ayaa faah-faahiyay “muhiimada ay leedahay faafinta xeerkan & in bulshada loo gaadhsiiyo habab kala duwan oo waafaqsan wacyiga & xaaladaha bulshada. Waxa kale oo ay sheegeen in ay ku hanwaynnyihiin in barnaamikani uu wax wayn ka bedalo garashada & aqoonta ay bulshadu u leeyihiin Xeerka”.

Ugu dambayn, waxa barnaamijkan si wadajir ah u daah-furay Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL & Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL.