Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa ka furay Magaalada Berbera Tabo-bar ku saabsan Dhawrista Bulshada (Social Protection Training – District Level Module). Tabo-barkaaso oo loo qabtay Qorsheeyayaasha Dawladdaha Hoose ee dalka, Agaasimayaasha waaxaha Qorshaynta ee Wasaaraddaha Maaliyada, Qorshaynta, Cadaaladda, Shaqo-galinta & Arrimaha Bulshada, hay’adda NADFOR & ururka Dawladaha Hoose ee ALGASAL. Waxa siddoo kale kulan ka furitaankiisa qayb ka ahaa Badhasaabka Gobolka Saaxil & Duqa Magaalada Berbera.
Tabo-barkani waa mid loogu gogol xaadhayo siddii adeeyada Dhawrista Bulshada (Social Protection) ee Bulshada Somaliland la siiyo loogu samayn lahaa maamul daadajin - waxa dawladda ka taageera Baanka Adduunka iyo hay'adda Harumarka ee dalka Talyaaniga.