wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Waa maalintii 2aad ee Shirweynaha Qaran ee Shaqo-Abuura Somaliland oo ay ku jiraan barnaamijyo aad u xiiso badan oo faa'iido leh waxa ka mid ah doodda 2aad oo diiradda lagu saaray sida Suuqa-shaqada ee Somaliland looga dhigi lahaa mid la iska wada dhex arki karo, si loo gaadho horumar cidkasta gaadho. Dooddan waxa wadaagaya Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska JSL Mohamed Cabdiraxmaan, Ayaan Maxamuud Cashuur oo ah Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Ingiriiska, Idil Ibraahin oo ka socotay ururka Shaqo-Kaab, Khaliif Sh. Cumar oo ka socday ururka bangiyada Somaliland iyo Maxamed Cabdi Cismaan oo ka socday dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO. Doodda oo ay daadihinayso Kaltuun Cismaan Maxamed waxa lagu lafo-guray mihiimadda ay leedahay in suuqa shaqada ee Somaliland u noqon lahaa mid la iska wada dhex arko.