Agaasimaha waaxda shaqo abuurka oo ay wehelinyaan koox ka socota wasaaradu kormeer ku tageen shirkada Soltelco

Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL iyado ka duulaysa shirki carwada shaqada ee burco ka qabsoomay 30 ilaa 31 bishii hore.
waxay daba gal iyo dardar galin ku haysa shirkadaha iyo baananka wadanka sidi ay u fulin lahaayen balan qaadka shaqo galin iyo shaqo carbin ay carwada shaqada ee burco kaga dhawaqeen ,
waxa saaka Agaasimaha waaxda shaqo abuurka oo ay wehelinyaan koox ka socota wasaaradu kormeer ku tageen shirkada Soltelco oo noqotay shirkadi ugu horeysay ee dhamaystirta balanqaadka aya qaaday gaar ahaan shaqaalihi ay magaalada burco ugu tala galeen .
Maalmaha soo socda waxa ay wasaaradu dabagal joogta ah ku qaadaysa dhamaan shirkadaha iyo baananka wadanka, si loo dhamaystiro balan qaadki carwada shaqada ee burco .