Xeer-nidaamiyaha Maamulka Lacagaha Dhawrista Bulshada (Cash Transfers)

Xeer-nidaamiyaha Maamulka Lacagaha Dhawrista Bulshada (Cash Transfers) waxa lagu fulinayaa dhammaan hay’addaha Maxaliga ah, kuwa Caalamiga ah, Hay’addaha Qaramadda Midoobay iyo Hay’addaha Islaamiga ah ee ka shaqeeya Daryeelka Bulshada isla markaana gaadhsiiya bulshada Lacagaha Dhawrista Bulshada (Cash Transfers). Waxa kale oo lagu fulinayaa baananka lacagahaasi gaadhsiinaya bulshada.