Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arimaha bulshada Iyo Qoyska

cMudane mustafe Maxamuud Ali Bile Oo Uu weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska Md Abdirashed Ibrahim Sheekh Abdirahman ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiilada si uu faahfaahin uga siiyo mudanayaasha qabyo qoraalka Xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta oo ay wasaaraddu soo curisay.

Fadhigan ayaa waxa Shir-gudoominayay guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaana ka soo qayb galay badi Mudanayaasha Golaha, intaasi ka dib waxaa loo qaybiyay qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta

Wasiirka ayaa waxa uu uga warbixiyay mudanayaasha sababaha keenay hindisaha qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuqiiqda oo uu sheegay in ay tahay helida ilaalinta xuquuqda caruurta oo sugan, sidoo kale waxa uu sheegay in furiinkii batay oo caruur badani halkaasi ku dayacmeen.
 

Markii uu jeediyay wasiirku warbixintaasi la xidhiidha qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta ayaa uu gudoomiyaha golaha Wakiilada fasaxay wasiirka iyo masuuliyiintii la socday.

Intaasi ka dib ayaa waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada sheegay in qabyo qoraalka Xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta loo gudbinayo guddida shuruucda si ay u soo darsaan wixii ay ku darayaana ku daraan.