Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada ayaa maanta xilkii ukala wareejiyay Agaasimihi Hore iyo Agaasimaha Cusub.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL mudane Mustafe maxamuud cali Bile ayaa maanta xilkii ukala wareejiyay
Agaasimaha Cusub ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Aw Aadan iyo agaasimihii hore ee wasaaradda mudane Cabdirashiid Ibraahim sheekh cabdiraxmaan, hadana ah agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga.
Waxaana madasha xil wareejinta ku sugna xubno kamida golaha wasiirada kalana ah, Wasiirada wasaaradaha,Caaalada, Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi, Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka.
Wasiir ku xigeenada, Horumarinta Caafmaadka, Ganacsiga iyo dalxiiska.
Gudoomiyaha Hay,adda shaqaalaha dawlada, gudoomiye ku xigeenka qandaraasyada qaranka iyo qaybo kamida xildhibaanada qaranka.
Waxaana madashaa lagu sabootiyay isla Mar ahaantaana lagu soo dhaweeyey masuuliyiinta qaran ee maanta xilka la kala wareegay.