Wasiirka Wasaaradda Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ayaa Maanta Furay Shirka Daneeyayasha Daryeelka Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Mustafe maxamuud Cali Bile uuna Wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta Furay Shirka Daneeyayaasha Daryeelka Bulshadda.

Shirkan oo u jeedkiisu daarana wadaagista xogta daryeelka Bulshada waxaan kasoo qaybgalay dhamaan Hay'adaha ka shaqeeya Daryeelka Bulshada iyagoo kusoo badhigay xogo xanbaarsan Mashaariicaha dalka ay ka fuliyaan. 

Waxaana Shirka  kasoo baxday in la dardargaliyo Barnaamijyada daryeelka bulshada si looga jawaabo Abaaraha iyo Xaaladaha qalafsan ee ay la nool yiniin Bulshada Somaliland.