Wasiirka Wasaaradda Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Ayaa furay kulan balaadhan oo lagu tafatiraayay qabyo qoraalka Siyaasadda Daryeelka Bulshada oo ay Wasaaraddu mudooyinkii u daneeyay ku hawlanayd

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa maanta si rasmiya u furay kulan balaadhan oo lagu tafatiraayay qabyo qoraalka Siyaasadda Daryeelka Bulshada oo ay Wasaaraddu mudooyinkii u daneeyay ku hawlanayd.
Siyaasadan oo soo martay maraaxil kala duwan ayaa hada maraysa wajigii u danbeeyay ee dhamaystirka Siyaasadda Daryeelka Bulshada iyada oo hore loo soo sameeyay dhamaan la tashayadii daneeyayaasha kala duwan ee Siyaasadda daryeelka Bulshada.
Siyaasadda oo ah mid Qaranka ahmiyad balaadhan ugu fadhida ayaa waxa loo gudbin doona Golaha Wasiiradda Jamuhuuriyadda Somaliland si ay u ansixiyaan oo loo hirgaliyo.