Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL uuna wehelinaayo Agaasimaha guud ayaa maanta kormeeray xafiiska Ruqsada Shaqada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL uuna wehelinaayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta kormeeray xafiiska Ruqsada Shaqada.

Masuuliyiinta ayaa mid mid u dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay xafiiska ruqsada shaqo.
Halkaaso ay warbixin kaga dhegaysteen hawl wadeenada xafiiska.

Ugu danbayn Masuuliyiinta ayaa uga mahadnaqay shaqaalaha xafiiska sida hawl karnimada leh ee ay u hayaan shaqada qaranka.