Agaasimaha waaxda shaqo abuurka ee wasaaradda shaqo-gelinta,arrimaha bulshada ayaa kormeer ku tagey shirkada SAHAL

Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL, ayaa maanta kala wareegtay shirkada socdaalka ee sahal faylka shaqo carbin ee ay shirkadu kaga dhawaaqday carwada shaqada.
Waxaana madashaa kagala wareegay agaasimaha waaxda Shaqo abuurka ee wasaaradda.
Wasaaradu iyada oo ka duulaya shirkii carwada shaqada ee burco ka qabsoomay 30 ilaa 31 bishii hore.
waxay kala so wareegen qaybti ugu horaysay ee faylka dhalinyarada shaqo galinta iyo shaqa carbinta ee ay kaga dhawaaqen burco wasaaradu waxay u mahadnaqaysaa, shirkada socdaalka ee sahal oo dhamaystirtay, qaybtii ugu horaysa balanqaadkii ay qaaday ,gaar ahaan shaqaalihi ay magaalada burco ugu tala galeen, iyo guud ahaan gobolada dalka. Oo dhan 9 qof oo shaqo carbin ah, iyo shaqo galin ah .