Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada Adduunka.
Agaasimaha Guud, waxa uu ka waramay dadaalada dhalinyarada lagu taageerayo ee dalka ka socda oo ay ka mid yihiin Dhinaca Xirfadaha & dib u habaynta Dugsiyada Farsamada Gacanta ee dawladda. Waxa uu sidoo kale ka waramay fursadaha ay soo kordhinayaan Mashaariicda Horumarineed ee dalka, Sidda balaadhinta Dekeda Berbera, Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, Corridor ka Berbera Iyo Hargeisa bypass oo dhinaca gaadiidka iyo isku socod ka alaabaha dalalka Somaliland iyo Ethiopia si weyn kor ugu qaaday isla markaana loo baahan yahay in ay ganacsatadu gaadiidkii waaweynaa ee alaabahaasi daabuli lahaa la yimaadaan si dhalinyaradeenu ay shaqooyinkaasi uga faaiidaystaan.
Waxa kale oo uu Agaasimaha Guud ka waramay dhismaha Ururada Shaqaalaha oo ay Wasaaraddu gacanta ku hayso si ay kaalin uga qaadaan siddii loo ilaalin lahaa xuquuqaha shaqaalaha & fursadaha cusub.