Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Mustafe Mohamoud Ali oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa kulan la yeeshay Madaxa IOM, Richard Danziger. Siyaasadda Shaqaalaha Guur-guura, Maamulka Xogta shaqaalaha guur-guura iyo shaqo abuurka ayaa lagaga wada hadlay kulanka.