Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL oo kaashanaysa Hay'ada Calaamiga ah @Development pathway waxa ay soo agaasimeen Shirar iyo Aqoon is waydaarsi la xidhiidha Daryeelka Bulshada

Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL oo kaashanaysa Hay'ada Calaamiga ah @Development pathway waxa ay soo agaasimeen Shirar iyo Aqoon is waydaarsi la xidhiidha Daryeelka Bulshada kuwaas oo ka qabsoomay Magaaladda Naivasha ee Dalka Kenya.
Shirarkaas oo ay u jeedadoodu tahay sidii ay Somaliland u hirgalin lahayd Nidaam daryeel Bulsho oo taabo-gal ah.
Waxa kulamadaas ka qayb qaadanaayay Wasaaraddaha Somaliland Folaadka u ah Nidaam Daryaalka Bulshada. Wasaaaradda Cadaaladda, Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Bulshadda. Sidoo kale Shirarka waxa qayb ka ahaa daneeyayaasha Somaliland ka taakuleeya Daryeelka Bulshadda.
Mudooyinkii u danbeeyay Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoysku waxa ay ku hawlanayd dhamaystirka Siyaasadda daryeelka Bulshada taas oo hada maraysa meel gebo gebo ah.