Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Hay'adda WFP oo ay hoggaaminayso Ku Xigeenka Wakiilka WFP, Ms. Lara Fossi.
Hay'adda WFP & Wasaaraddu waxa ay dalka ka wadaan mashaariic badan oo dhinaca daryeelka bulshada ah. Waxa sannad ka hor si wada jir ah loo bilaabay Barnaamij lagu caawinayo dadka Nugul oo ay ka faaiidaysanayaan muwaadiniin dhan 32,287 Qoys (200,000 qof) oo ku nool #Awdal, #Selel, #Saraar, #Xaysimo & #Gabiley.