wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Mustafe Mohamoud oo uu Wehelinayo Agaasimaha Guud MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa maanta furay kulanka Guddida Farsamo ee Hirgelinta Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka, guddidaasi oo kor joogtayn doonta Hawl Qabadka Hirgelinta Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka isla markaana hoggaamin doonta Wadaagayaasha khuseeya Wasaaradaha & Hay'adaha Dawladda ee ay hoggaaminayaan.
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha, Hawlaha Guud, Gaadiidka, Xoolaha & Kalluumaysiga, ICT, waxbarashada, Arrimaha Dibadda (Unugga Qurbajoogta), Rugta Ganacsiga, Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Guddoomiyaha NOW & Agaasimaha Fulinta ee Dallada Naafada Heer Qaran ayaa ka mid ah xubnaha guddida.