
Shirka waxa lagu martiqaaday dhammaan hay’addaha dawladda, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee kaalin weyn ka qaadan kara dadaaladda shaqo-abuurka Qaranka. Sidoo kale, waxa lagu martiqaaday dhallinyaro badan oo ka socday jaamacadaha dalka.
Dulucda qodobada ugu muhiimsan ee lagu falanqayn doono labada maalmood ee shirku socdo waxa ka mid ah:
1. Dajinta Nidaam sharci oo sahlaya shaqo-abuur hufan Somaliland Dhexdeeda.
2. Dheelitirka baahida Suuqa-shaqada iyo shaqaalaha, iyada oo loo marayo waxbarashada farsamada gacanta