wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL oo kaashanaysa hay,adda khayriga ah ee #zamzam ayaa maanta deeq raashina gudoonsiisay 800 qoys oo danyara.
Waxaana madashaas goob joog ahaa isla markaana deeqda gudoonsiiyay wasiirka Wasaaradda mudane mustafe maxamuud cali iyo masuuliyiin ka socota hay,adda zamzam foundation.
Dadkan danyarta kana kooban 800 ee qoys ayey wasaaradu soo qiimaysay xaaladooda nololeed iyada oo ay yihiin dhamaantoodba intii ugu mudnayd ee deeqdani gaadhi lahayd.
Dadkan danyarta ah aya isugu jira dadkii ku waxyeeloobay masiibadii qaran ee suuqa waaheen, iyo bulsho kale oo jilicsan.