Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada ayaa maanta kala wareegtay Somtel faylka shaqaalahaiyo shaqo carbinta ee ay ku balan qaadeen carwada shaqadda

Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL, ayaa maanta kala wareegtay faylka shaqaalaha, iyo shaqo carbinta ee ay ku balan qaadeen carwada shaqo shirkada isgadhsiinta somtel.
Waxaana madashaa kagala wareegay shirkada agaasimaha waaxda shaqo abuurka wasaaadda.
Wasaaradda oo ka duulaya shirkii carwada shaqada ee burco ka qabsoomay 30 ilaa 31 bishii hore.
waxay kala so wareegen dhamaan liiska dhalinyarada shaqo galinta iyo shaqa carbinta ee ay kaga dhawaaqen burco wasaaradu waxay u mahadnaqaysaa, shirkada isgaadhsinta ee somtel oo dhamaystirtay balanqaadkii ay qaaday ,gaar ahaan shaqaalihi ay magaalada burco ugu tala galeen, iyo guud ahaan gobolada dalka. Oo dhan 95 shaqo carbin ah .