Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska ayaa maanta soo bandhigay Warbixinta Qiimeyn ku aadan Saamaynta Abaaraha ee Carruurta iyo Haweenka ku nool dhulka Miyiga ah ee ay Abaaruhu saameeyeen si loo fahmo loona ogaado baahiyaha gaar ahaaneed ee deg-dega ah iyo Caqabadaha jira si loo sameeyo Qorshe dhammaystiran oo wax looga qabanayo Abaaraha gaar ahaan Bulshada kuwa u nugul oo ah haweenka iyo Caruurta.
Waxa shirka furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, waxa hadalo kala duwan ka jeediyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Cadaalada. Madaxa Barriga Afrika ee hay’adda AET, Madaxa Somaliland ee hay’adda UNFPA, Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somaliland iyo daneeyeyaasha kale ee Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha dhawrista