WAR-SAXAAFADEED - SHAQAALAHA AJAANIBKA AH EE SIDDA SHARCI DARADA AH DALKA UGA HAYA SHAQO MUWAADIN QABAN KARO

Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL oo muddoyinkii u dambeeyay waday dedaalo is daba-jooga oo lagu horumarinayo nidaamka diwaan-gelinta & maamulka shaqaalaha ajaanibka, waxa ay ku guulaysatay in ay dib u habayn ku samayso shuruucda khusaysa guud ahaan shaqaalaha, gaar ahaana shaqaalaha ajaanibka ah. Waxa ay hirgelisay nidaam hufan oo lagu hubinayo shuruudaha shaqaalaynta ajaanibka, si loo dhawro xuquuqdooda; waxa kale, oo ay ku dedaalaysay in la ilaaliyo shaqada ay muwaadiniintu qaban karaan in aan loo shaqaalaysiin shaqaale ajaanib ah. Haddaba, waxa ay dedaaladaas hore ku xoojinaysaa qodobadan hoos ku faah-faahsan:

  1. In dhamaan goobaha shaqo ay fuliyaan waajibaadyada ay saareen dastuurka dalka & xeerarka kale ee ka farcama – sidaa darteedna, ay tixgelinta u saraysa siiyaan shaqaalaynta muwaadiniinta iyaga oo raacaya habraacyada sharci ee uu jideeyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah – 31/2020.
  2. In aanay goobaha shaqo ee dalku soo dalban karin ruqsad shaqo oo ay u doonayaan shaqaale ajaanib ah ilaa ay xayaysiiyaan muddada xeerku qeexay una maraan nidaamka ku qeexan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah; isla markaana ay soo cadeeyaan in ay waayeen qof muwaadin ah oo xirfad shaqo u leh baahida shaqo ee ka jirta goobtooda shaqo.
  3. In aan qof shaqaale ajaanib ah loo shaqaalaysiin karin shaqo uu muwaadinku qaban karo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah – 31/2020.
  4. In dhamaan goobaha shaqo ay raacaan siyaasadaha, hagayaasha & habraacyada Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL, sidaas darteedna, ay shaqaalaha muwaadiniinta ah u tababaraan xirfadaha shaqo ee ku cusub suuqa shaqada ee dalka, isla markaana ay ku dedaalaan in ay xirfadaha ugubka ah u wareejiyaan muwaadiniinta (skill transfer).
  5. In dhamaan shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ku jooga sifo sharci-darro ah, kana haya shaqo muwaadinku qaban karo ay kaga baxaan muddada ay u cayimeen Ciidanka Socdaalka & Ilaalinta Xuduudaha  ee dalku.  
  6. In muwaadiniinta oo kaashanaya Ururada Shaqaalaha ee diwaan-gashan ay u diyaar-garoobaan sidii ay u buuxin lahaayeen kaalmaha shaqo ee ay banaynayaan ajaanibka wadanka ka baxayaa.

 

            DHAMAAD!