MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa ka qayb galay kulan Maal-galin lacageed lagu gudoonsiiyay dhalinyaro

In kastoo waayadan ay kaalin dahab ah ka qaadanayaan Baananka iyo sharaaiga gaar ka loo leeyahay iyo dawlada oo iskaashanayaa, haddana wali helitaanka maaliyaddu waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dhallinyarada hal abuurka leh.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa ka qayb galay kulan Maal-galin lacageed lagu gudoonsiiyay dhalinyaro la yimi Afkaar hal abuur ganacsi. 10 ganacsi ayaa ku tartamay hal Abuuraha ugu fiican. Waxa siddoo kale la gudoonsiiyay maal-gelin lacageed oo hal abuurkooda ku aadan 9 dhalinyaro ah oo laga maal galiyay barnaamijka Next Economy.
4tii August, 2021 ayay ahayd markii Wasaaraddda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku ay maal-galin u samaysay 30 qoys si u kobciyaan ganacsiyadooda - taasi oo laga maal galiyay Cashuurta Dadweynaha (Miisaaniyadda Qaranka).