Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Ayaa maanta ka qayb galay munaasibada xuska maalinta caalamiga ah ee dhegoolayaasha

Madaxwayne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, oo ay wehelinayaan Xubno kamida golaha wasiirada dalka uuna ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL, Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Gudoomiyaha Hay'ada Aafooyinka iyo Kaydka Raashinta, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Gobolka maroodijeex, iyo mudan kale.
Ayaa maanta ka qayb galay munaasibada xuska maalinta caalamiga ah ee dhegoolayaasha, ayna ku lamaanayad shahaado siinta arday ay wasaaradu bartay luqada suul dhabaalaha.
Munaasibadan oo ka qabsoontay caasimada dalka.
Waxaana madashaa dhamaanba hadalka isu daba maray masuuliyiinta kala duwan ee madasha ku sugna iyaga oo ku dheeraaay ahmiyada ay leedahay caawinta iyo is garab taaga dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Ugu danbayn waxaa soo afmeeray munaasibada madaxwayne ku xigeenka qaranka Jamhuuriyadda soomaliland.