Isuduwaha Wasaarada Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska ayaa Ayaa u soo xidhay Afartan ka mida waalidka Magaalada Berbera

Isuduwaha Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Farxaan Maxamed Xasan (Rakad) Ayaa u soo xidhay Afartan ka mida waalidka Magaalada Berbera kuwaas oo lagu tobabaray barbaarinta tolmoon ee ubadka shahaadooyina la guddoonsiiyey.
Tababarkan oo socday muddo 3 bilood ah ayaa waxa la siinayay Hooyooyinka carruurta haysta, kuwaaso sugaya inay waalid noqdaan iyo Aabayaal iyaguna la barayay Barbaarinta wanaagsan ee ubadka si loo fahmo Barbaarinta wanaagsan iyo qaabka ugu wanaagsan ee diin ahaan iyo dhaqan ahaanba inoo wanaagsan.
Mashruucan Waxaa Fulinaysay Hay'adda Wadaniga ah ee Yovenco iyadoo dhaqaale ka helaysa Hay'adda caalamiga ah ee Save the children.