Agaasimaha guud ee wasaaraddaayaa maanta furay tobabarka gudoomiyayaasha kulamada Arrimaha Tacadiyada ee gobolada dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta furay tobabarka gudoomiyayaasha kulamada Arrimaha Tacadiyada ee gobolada dalka.

Tobabarkan oo muhimadiisu tahay in kor loo qado aqoonta  Dadka guddoomiya isla markaana masuulka ka ah kulamada billaha ah ee lagaga hadlo arrimaha tacaddiyada.

Tobabarkani wuxu socon doona mudo laba cisho ah  waxana xooga lagu saari doona sidi shirka tacadiyada uu unoqdo mid lagu xoojiyo adeegyada la bixinaayo ee la siinayo dadka dhibbanayaasha u ah tacaddiyada jinsiga.

Waxanu tobabarkani daba socday tobabar ay wasaradu qabatay sanadkan dhexdiisa kaso  talo jeedinti ay ka soo baxday in ay muhim tahay in capacity building laa sii wado.