Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa maanta gudoomiyay Shirka Koowaad ee Barnaamijka Daryeelka Bulshada ee ILED (ILED Social Transfers Component). Waxa shirka qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Qaranka Mudane Ahmed-Yasin Muhumed Hassan, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Hay’adda Barakacayaasha Qaranka iyo Midawga Yurub oo maal-galiyay barnaamijka.

Barnaamijka Daryeelka Bulshada ee ILED waxa ka faaiidaysta Bulshada nugul ee ku dhaqan gobolada Togdheer, Sahil, Marodijeh & Awdal gaar ahaan hooyooyinka Xaamilada ah (4924 Hooyo) & dadka ka weyn 55 ka sanno ee uu saameeyey Xanuunka COVID-19 (3000 qof) – waxa siddoo kale la bilaabi doonnaa qaybta 3aad oo ah xirfad siinta dhalinyarada.