Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxda ugu sareysa hayadda Concern Worldwide ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxda ugu sareysa hayadda Concern Worldwide ee Somaliland.

Madaxda hay,adda Concern ayaa agaasimaha uga warbixiyey guud ahaan waxay dalka ka qabtaan iyo mashaariicda kala duwan ee ay sida gaarka ah uga wada shaqeyaan Wasaaradda. 

Agaasimaha oo ay weheliyaan maasuuliyin ka tirsan Wasaaradda ayaa uga  mahadnaqay shaqada fiican  ee ay dalka ka qabtaan iyo wada shaqeynta ay Wasaaradda la leeyihiin isaga oo balan qaaday inuu sii xoojin doono xidhiidhka labada xafiis