Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Mudane Axmed Xasan Aw Aadan Ayaa furay kulan laba cisho soconaya oo lagaga arinsanaayo sidii loo samayn lahaa ururka Adeegayaasha Bulshada

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta si rasmiya u furay kulan laba cisho soconaya oo lagaga arinsanaayo sidii loo samayn lahaa ururka Adeegayaasha Bulshada oo ay iska kaashanayaan hay,adda Unicef & Wasaaradda.
Kulankan oo ay iska kaashanayeen wasaaradda iyo hay'adda unicef ayna kasoo qayb galeen badiba jaamacaaha dhiga cilmiga adeega bulshada iyo ururada maxaliga ah ee dalka & kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshadda.
Dhanka kale waxaa iyana goob joog ahaa hay,adaha dawliga ah ee ay khusayso la tashiga samaynta ururka Adeegayaasha Bulshada.