Agaasimaha Guud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Nabil Chen-chi Wu

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL MD Abdirashid Ibrahim Abdirahman ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Nabil Chen-chi Wu, oo ah ku xigeenka wakiilka xafiiska Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoghayaha koowaad Han-Ching Fan – waxa ay yeesheen wada-hadallo ku saabsan dhinacyada la iska kaashan karo.
Safaaradda Taiwan ee Somaliland waxa ay Wasaaradda kala shaqaysay arrimaha dadka laxaadkoodu dhiman yahay oo ay soo gaadhsiisay agabka dhaq-dhaqaaqa ee dadka adkaysiga leh.