Wasiirka Wasaaradda  Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa Maanta kormeer ku sameeyay goobo shaqo oo muhiim ah oo ku yaala magaala Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile ayaa Maanta kormeer ku sameeyay goobo shaqo oo muhiim ah oo ku yaala magaala Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera.
Goobaha uu Wasiirku komeerka shaqo ku sameeyay waxa ka mid ahaa, Aaga Cashuuraha Ka Caagan ee Berbera [Berbera Special Economic Zone, Dekeda Berbera [Dp Worl Berbera Port] & Madaarka Caalamiga ah ee Berbera [Berbera International Airport].
Komeerkan shaqo ayaa waxa uu qayb ka ahaa dedaalo is daba joog ah oo lagu hubinayo xaalada shaqo ee shaqaalaha dalka & nidaamka adeegsiga shuruucda shaqada.
Wasiirka & kooxda uu hogaaminayay ee Wasaarada ayaa waxa ay xog-waran la yeesheen maamulada goobaha shaqo & shaqaalaha ka hawlgala, si loo xaqiijiyo nidaamka isu-dheelitirka ee xogta shaqada.
Ugu dambayn, Wasiirka & Maamulka Guud ee Shirkada Caalamiga ah ee Madaarka Berbera [BIAC] ayaa waxa ay si wadajir ah beeniyeen warar been abuur ah oo dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada - kaas oo ku saabsanaa in la dhimayo shaqada & musharka shaqaalaha ka hawlgala madaarka Caalamiga ah ee Berbera, taasi oo ahyad war aan sal & raad toona lahayn - isla markaana aan la garanyn cida warkaas baahisay meel ay ka soo xigatay.
Wasiirku waxa uu mid mid ugu mahad-celiyay maamulada kala duwan ee goobahaas uu kormeerka shaqo ku sameeyay, waxa aanu kul dardaarmay in mar walba la raaco shuruucda shaqada, mudnaanta & tixgelinta u saraysana la siiyo daryeelka shaqaalaha.